Skip to main content
Loading Events

« All Events

  • This event has passed.

Wadahadalka Bulshada ee UW Medicine:Hadal Toos ah oo ku saabsan Tallaalada COVID 19

January 12, 2021 @ 4:00 pm - 4:30 pm

Ku socota Bulshada ku xidhan UW:

Hadda markii ay yimaadeen tallaalo ay soo saareen Pfizer iyo Moderna  oo lagaga hor tegaayo cudurka COVID-19 oo in badan oo asxaabteen iyo shaqaalaheena ahi bilaabeen in ay qaataan tallaaladooda, waxaa jira raynrayn iyo rajo laga qabo in laga gudbo wixii mudada dheer, iyo waqtiga adag inagu wada ahaa.

In kasta oo tallaaladani ay yihiin tallaabo weyn oo horay loogu qaaday in laga gudbo fayraska COVID-19, waxaan garwaaqsannahay in in badan oo idinka mid ah laga yaabo inay su’aalo iyo walaacyo ka qabaan tallaaladan inkasta oo aad ka helaysaan macluumaad ku saabsan tallaladan ilo badan oo ay ka mid yihiin UW Medicine, warbaahinta bulshada, telefishanka, raadiyaha iyo  meelo kale ay ka mid yihiin xubnaha qoyska iyo asxaabta.

Si aan uga jawaabno su’aalahaaga iyo welwelkaaga, waxaan qabaneynaa  kulanno  lagaga war bixinaayo tallaaladan oo ku baxaaya  luqado kala duwan  iyadoo la istimaalaayo aalada Zoom. Dhammaan kulannadan waxaa hoggaaminaya ama bixinaaya dhakhaatiirta UW Medicine iyo khubaro kale oo tallaalada ku takhasusay. Maamulayaashaadu way ogyihiin inaan kuu diyaarinayno kulmadan  wayna  ogolaadeen inay ku siiyaan waqti aad kaga soo qayb gasho.

Wadahadalka Bulshada ee UW Medicine:Hadal Toos ah oo ku saabsan Tallaalada COVID 19

Talaatada, Janaayo 12 Soomaali saacadda  4 galabnimo Waxaa bixinaaya  Dr. Alex Molnar

Kulankan waxaad ka geli kartaa  xiriiriyahan (link): https://washington.zoom.us/j/91548909478

Kulamada luqadaha kale ku baxaaya, fadlan eeg macluumaadka iyo xiriiriyeyaasha hoose.

Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan  shaqaalaha, ardayda, macallimiinta, bixiyeyaasha  iyo shaqaalaha kaleba  inay soo xaadiraan. Fadlan la imow su’aalahaaga  oo aad soo diyaarsatay. Waxaan ku bilaabi doonnaa kulan kasta macluumaad guud kadibna waxaan u gudbi doonnaa su’aalaha iyo jawaabaha.

Waxaan sugeynaa oo rajaynaynaa inaan kugu aragno halkaas!

Details

Date:
January 12, 2021
Time:
4:00 pm - 4:30 pm
Event Tags:
,

Organizer