Skip to main content
Loading Events

« All Events

  • This event has passed.

Wadahadalka Bulshada ee UW Medicine:Hadal Toos ah oo ku saabsan Tallaalada COVID 19

March 24, 2021 @ 11:00 am - 11:30 am

Join Zoom

Hadda markii tallaallada COVID-19 loo soo bandhigey dadweynaha isaga oo wejiyo kala duwan ah, waxa jira reyn reyn iyo rajo laga qabo in laga gudbo wixii muddada dheer in haystay ee dhibta innagu wada ahaa.

In kasta oo tallaaladani ay yihiin tallaabo weyn oo horay loogu qaaday in laga gudbo fayraska COVID-19, waxaan garwaaqsannahay in in badan oo idinka mid ihi laga yaabo inay su’aalo iyo walaacyo ka qabaan tallaaladan inkasta oo aad ka helaysaan macluumaad ku saabsan tallaladan ilo badan oo ay ka mid yihiin UW Medicine, warbaahinta bulshada, telefishanka, raadiyaha iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin xubnaha qoyska iyo asxaabta.

Si aan uga jawaabno su’aalahaaga iyo welwelkaaga, waxaan qabaneynaa kulanno lagaga war bixinaayo tallaaladan oo ku baxaaya luuqado kala duwan iyadoo la istimaalaayo aalada Zoom. Dhammaan kulannadan waxa hoggaaminaya ama bixinaaya dhakhaatiirta UW Medicine iyo khubaro kale oo tallaalada ku takhasusay.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa qof walba inuu ka soo qaybgalo.Fadlan la imow su’aalahaaga oo aad soo diyaarsatay. Waxaan ku bilaabi doonnaa kulan kasta macluumaad guud kadibna waxaan u gudbi doonnaa su’aalaha iyo jawaabaha.

Waxaan sugeynaa oo rajeynaynaa inaan kugu aragno halkaas!