Skip to main content
Loading Events

« All Events

  • This event has passed.

Wadahadalka Bulshada ee UW Medicine:Hadal Toos ah oo ku saabsan Tallaalada COVID 19

February 24, 2021 @ 11:00 am - 11:30 am

Join Zoom

Hadda markii ay yimaadeen tallaalo ay soo saareen Pfizer iyo Moderna oo lagaga hor tegaayo cudurka COVID-19 oo in badan oo asxaabteen iyo shaqaalaheena ahi bilaabeen in ay qaataan tallaaladooda, waxaa jira raynrayn iyo rajo laga qabo in laga gudbo wixii mudada dheer, iyo waqtiga adag inagu wada ahaa.

In kasta oo tallaaladani ay yihiin tallaabo weyn oo horay loogu qaaday in laga gudbo fayraska COVID-19, waxaan garwaaqsannahay in in badan oo idinka mid ah laga yaabo inay su’aalo iyo walaacyo ka qabaan tallaaladan inkasta oo aad ka helaysaan macluumaad ku saabsan tallaladan ilo badan oo ay ka mid yihiin UW Medicine, warbaahinta bulshada, telefishanka, raadiyaha iyo meelo kale ay ka mid yihiin xubnaha qoyska iyo asxaabta.

Si aan uga jawaabno su’aalahaaga iyo welwelkaaga, waxaan qabaneynaa kulanno lagaga war bixinaayo tallaaladan oo ku baxaaya luqado kala duwan iyadoo la istimaalaayo aalada Zoom. Dhammaan kulannadan waxaa hoggaaminaya ama bixinaaya dhakhaatiirta UW Medicine iyo khubaro kale oo tallaalada ku takhasusay. Maamulayaashaadu way ogyihiin inaan kuu diyaarinayno kulmadan wayna ogolaadeen inay ku siiyaan waqti aad kaga soo qayb gasho.

Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan shaqaalaha, ardayda, macallimiinta, bixiyeyaasha iyo shaqaalaha kaleba inay soo xaadiraan. Fadlan la imow su’aalahaaga oo aad soo diyaarsatay. Waxaan ku bilaabi doonnaa kulan kasta macluumaad guud kadibna waxaan u gudbi doonnaa su’aalaha iyo jawaabaha

Waxaan sugeynaa oo rajaynaynaa inaan kugu aragno halkaas!

Details

Date:
February 24, 2021
Time:
11:00 am - 11:30 am
Event Tags:
, ,
Website:
http://discover.uw.edu/F68Qx00lB4A0K0F7000Oy81

Organizer